Midowga
dhagoolyaasha soomaaliyeed oo furay dugsi cusub

Midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed
ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa manta markii ugu horeysay
ka furay Muqdisho iskuul ay wax ku baranayaan caruurta dhagoolayaasha
Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.
Munaasabada furitaanka dugsiga oo ka
dhacday xarunta dugsiga
Al-hilaal ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha midowga dhagoolayaasha
Soomaaliyeed Abubakar sheeikh C/dulle Cali oo si weyn uga faalooday
sida ay ugu suuro gashay furitaanka iskuulkan cusub isagoo sheegay
in in marar badan ay soo gaareen xafiiska midowga dhagoolayaasha
Soomaaliyeed codsiyo looga dalbanayo inay ka furan magaalada Muqdisho
dugsi ay wax ku bartaan caruurta dhagoolayaasha Soomaaliyeed, oo
ay bilihii ugu dambeysay la soo deristay waxbarasho la’aan,
kadib markii ay albaabada isugu dhufteen ciidamada Itoobiyaanka
dugsigii hore ee ay wax ku baran jireen dhagoolayaasha Soomaaliyeed
oo ku yiilay isgoyska Cali Kamiin.

“Dugsigan waxaan maanta ku bilownay
ardadii ugu horeysay oo dhagoolayaal ah waxayna tiradooda gaareysaa
20 arday oo isugu jirta wiilal iyo gabdho, sababata aan iskuulkan
u furnayna waxay tahay baahi weyn oo ay u qabaan dhagoolayaasha
Soomaaliyeed inay wax bartaan” ayuu yiri guddoomiyaha midowga
dhagoolayaasha Soomaaliyeed Abubakar oo intaasi ku daray in ay kaalmo
weydiisanayaan dhamaan jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibeddaha,
waxaana haatan caqabadaha ugu waaweyn ee na heysta ay tahay inaan
awood u laheyn bixinta tasiilaadka lagu socodsiinayo howlaha iskuulkan.

“Anaga ma jirto cid na taakuleysa hay’ad
walaa ganacsato, walaa dad kale, balse waxaan mar kasta isku daynaa
inaan wax la qeybsano dadka dhegaha leh ee Soomaaliyeed, oo aynaan
dareemin dhalinta dhagoolayaasha Soomaaliyeed wax barasho la’aan
iyo horumar la’aan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha
midowga dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay qaar ka
mid ah ardayda dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo sheegay inay aad ugu
faraxsan yihiin furitaanka iskuul u gaar ah dhagoolayaasha, iyagoo
xusay in bilihii ugu dambeysay ay la soo deristay waxbarasho la’aan,
kadib markii ay sheegeenin albaabada la isugu dhuftay iskuulkoodii
ay wax ka baran jireen oo ku yiilay isgoyska Cali kamiin ee (Sound
and Silent).

Hadaba midowga dhagoolayasha Soomaaliyeed
waxa ay ka codsanayaan bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka
dibeddaha iyo gudaha dalka Somalia inay taageero u fidiyaan caruurtaas
waxbarashodooda si loo helo macalimiinta qibrad sare u leh waxbarashada
dhagoolayaasha maadaama hada aysan awoodin midowga inuu bixiyo qarashka
macalimiin qibrad sare leh iyo qarashaadka kale ee ku baxaya socodsiinta
howlaha iskuulka.
Qaar ka mid ah Ardayda oo
Sabuurada Imtixaan looga qaadayo



Waxaad kala Xariiri Kartaa midowga dhagoolayaasha
soomaaliyeed:
email: info@somalideaf.org
Tell/Fax: 652439/15563555
|