MIDOWGA
DHAGOOLAYAASHA SOOMAALIYEED
Midawga dhagoolada soomaliyeed waa
dalad ay ku midoobaan dhamaan dhagoolada soomaaliyeed unkida midawga
dhagoolada soomaliyeed waxaa iska kashaday aqoonyahano dhagoolayaal
ah oo ku sugan gudaha dalka kadib markii ay darseen xaalada aqoon
daro kalsooni daro iyo go,doon ee haysato dhagoolada soomaaliyeed
midawgaaan waxaa la aasaasay 1/8/2006.
Midawga dhagoolada soomaaliyeed
waxa uu leeyahay qorsho dhow iyo mid fog qorshaha dhaw waxaa ka
mid ah sidii waxbarasho loogu heli lahaa da,yarta iyo da,waynta
dhagoolada soomaaliyeed qorshaha fog ee la hiigsanayo waa in dhagooluhu
ka baxo xaaalda uu ku sugan yahay helana xirfad uu ku shaqaysto
si uu isu anfaco inta kalena wax u taro.
Xarunta midawga dhagoolada soomaaliyeed
waa caasimada muqdhisho waxaana la rajaynayaa inuu laamo ku yeesho
gobolada dalka ,midawga dhagoolada soomaaliyeed waxaa xubin ka noqon
karo shakhsi kasta oo soomaali ah isla nafsad ahaantaana la' xubinta
dareenka maqalka.
|