YAA U MAQAN DHAGOOLAYAASHA SOOMAALIYEED


Maanta oo ay Taariikhdu ku beegantahay 09/12/2006, Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa uu soo bandhigaayaa Sababaha keenay aas aaska urur noocaan ah, kaasoo Dhamaan Bulsho weeynta Soomaaliyeed qiriyso inuu yahay kii ugu horeeyay ee u Shaqeeya danaha dadka La’ dareenka Maqalka.
Sidoo kale wuxuu Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed ka jawaabaya waxa uu yahay Midowgaan?, waxa uu Higsanayo?, cida taageerto iyo eed uu u soo jeedinayo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ugu horeyn Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 01/08/2006, Xaruntiisa waxay tahay Magaalada Muqdisho, iyadoo aan rajeeyneeyno inaan ku baahno Degmooyinka iyo waliba Gobolada Dalka.

Dhidib u taagida Midowga Dhagoolayaasha waxa uu yimid ka dib markii Aqoonyahano Dhagoolayaal Soomaali ah ay darseen xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin Dhagoolayaasha Soomaaliyeed, waxey garteen inay lagama maarmaan tahay in la helo dalad mideeysa Dhagoolayaasha Soomaaliyeed si loo amba qaado kaalinta Dhagooluhu ku leeyahay Bulshada Dhexdeeda.

Ujeedooyinka Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa ka mid ah:-

1- Ururinta iyo Tira koobka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
2- Abuurista goobo waxbarasho oo u gaar ah Dhagoolayaasha.
3- Helida xirfado Shaqo oo ay Dhagoolayaasha naftooda ku Maareeyaan.
4- Bur-burinta xeeyndaabka takoor oo eey Dhagoolayaasha ku sugan yihiin.
5- Soo saarida Dhagoole xambaarsan risaato wanaagsan.
6- Ka qeyb qaadashada dib u dhiska Dalka.

Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo ah mid Wadani ah ma jirto cid gacan ku siisa howl maaluleedkiisa marka laga reebo Midowga Maxkamadaha oo noo qalabeeyay Xafiiska aan ku Shaqeeyno, iyo Aqoonsi aan ka helnay Maxkamadaha.

Sida aad la socotaan Dhagoolayaasha Soomaaliyeed waxaa heysta duruuf adag oo aysan heysan iyo waliba iyagoo inta badan aysan laheyn xirfado Shaqo oo ay noloshooda ka maareeyaan.

Laga soo bilaabo guriga uu Dhagooluhu ku noolyahay illaa Bulshada ku hareereeysan inta badan waxey u arkaan in Dhagooluhu yahay Qof Caqliga La’, waxba qabsan Karin, iyadoo caruurta kale wax la baro halka Dhagooluhu laga yaabo inuu Jahliga ku qaan gaaro amba god la galo.

Hadaba Midowga Dhagoolayaasha waxa uu tabanayaa in Qeybaha kala duwan ee Bulshada aysan ka helin kaalintii kaga aadaneyd Hormarinta Dhagoolayaasha Soomaaliyeed.

Bahda Waxbarashada waxey qabteen Howl weyn, iyagoo ku guuleeystay inay dalka ka Haqabtiraan aqoonta, Balse waxey ka Gaabiyeen dhinaca kale in Dhagoolayaasha loo helo adeeg Waxbarasho.

Asalku wuxuu ahaa in dalladaha Dugsiyada badan ee faa’ido doonka ah eey Hoos tagaan inay ku daraan Hal Dugsi oo Dhagoolayaasha wax lagu Baro.

Dhanka kale Shirkadaha Ganacsiga waxaan u soo Jeedineeynaa inay gacan ka geeystaan daryeelka dadka Dhagaha La’.
Waxaan mahadcelin iyo hambalyo u jeedinaynaa shirkada isgaariinta ee Hormuud kaalinta ay kaga jirto dib u dhiska iyo horumarinta umada soomaaliyeed maaha in aan ku faaninayno kaalmo gaar ah ay nasiisay balse dadka oo dhan waa lasocdaan sida ay hormuud umada soomaaliyeed ugu gargaarto islmarkaana uga qaybqaadato horumarinta waxaan leenahay shirkadaha waawayn ee soomaaliyeed hadaad doonaysaan horumar iyo faa iido waxay ku jirtaa inaad umada walaalihiin ah aad hormarisaan ee inaad gaari mark2 ah iyo filo dhisataan kaliye haku fakarina waxaan cambaareeynayaa maamulayaasha shirkadaha waawayn ee ismahadiyay islamarkaana si xun ula dhaqmo bulshada dhibaataysan

Ugu danbeeyn Waxaa xusid mudan in Dhagooluhu naftiisa iyo Bulshadaba wax tari karo, waxaa taas Daliil u ah in Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeed ay xubno ka yihiin Maamulayaal Goobo Waxbarasho, Xisaabiyayaal Shirkadeed, iyo Aqoonyahano iyo waliba Xirfado kaleba.

BAAQ.
Midowga Dhagoolayaasha Soomaaliyeeed waxaa uu ugu baaqayaa Qeybaha kala duwan ee Bulshada inay gacan ka Geystaan sidii Dhagoolayaasha Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeega ay u baahan yihiin, isla mar ahaantaana loo heli lahaa Dhagoole leh Aqoon iyo Xirfad sare oo uu ku Maareeyo Noloshiisa uguna adeego Bulshadiisa.

Abuubakar Sh.Cabdulle Cali
Gudoomiyaha Midowga Dhagoolayaash Soomaaliyeed.

Mobile: 002521-582552/002521/5563555
Email:sodu5@hotmail.com/sodu5@yahoo.com
E-mail: president@sodudeaf.org

 

 

 

 
   

Copyright ©2007
Designed & Hosted by AfroTech

Bogga Hore           Midowga           Xubnaha              Nala soo xiriir